Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somalia Oo U Amba baxay Dalka Talyaaniga

Madaxweynaha Dalka somalia Xasan sh Maxamuud Iyo Wafdi uu hogaanimaayo ayaa maanta u ambabaxay Magaaladda Milan ee Dalka Talyaaniga.

Madaxweynaha ayaa la shaaciyay in Magaaladda Milan uu Kaga qeybgalayo bandhig Carweed,sidoo kale madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya shir dhaqaale loogu aruurinayo Somalia.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale 4-bisha Magaaladda Roma Kulan kula qaadan doonta Madaxweynaha dalka Talyaanigga Waxaa ayna ka wada hadli doonaan xiriirka Labada Wadan.

Waa Markii Labaad oo xubno ka socda Dowladda Somalia ay ka qeyb galaan Bandhig Carweedka Lagu Qabanayo Magaalada Milan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor