Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka kusoo laabtay

Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu kasoo qeyb galay shir looga hadlayo dhaqaalaha iyo Maalgashiga kaas oo ka dhacay Dalka Masar.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa waxaa uu Amaanay dowladda Masar sida ay u garab taagan tahay dowladda Soomaaliya Waxaa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay waxbadan ka soo Faa’iiday shirka lagu soo gabagabeeyay magaalada Sharm El Sheik.

Dowladda Soomaaliya ayaa xusul duub ugu jirta sidii beesha caalamka ay kaga qeyb qaadan lahaayeen Horumarka dalka uu hiigsanaayo.