Wafdi kala duwan oo ku wajahan Magaalada Cadaado

Wufuud kala duwan ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda ay gaaraan Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG,ka ah ee Maamulka Galmudug halkaas oo la filayo in ay ka dhacdo Munaasabad lagu Caleem-Saarayo Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf).

Masuuliyiin ka tirsan kuwa dowladda Somaaliya sida Madaxweynaha Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Soomaliya Golaha Wasiirada iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka ayaa ka qeybgeli doono Munaasabada Caleemo-Saarka.

Maanta ayaa wufuuda ugu horeysa waxa ay gaari doonaan Magaalada Cadaado,waxana la sheegay in uu Cadaado tegi doono Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) iyo Xubno oo la socdo.

Sidoo kale Xog ay heleyso Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeeysaa in Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle in kastoo aan sirasmi ah warkaas loo xaaqiijin.