Wafdi ka socda QM,Midowga yurub iyo IGAD oo gaaray Garoowe

Wafdi ka socda QM,,Midowga yurub iyo urur goboleedka IGAD ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Wafdiga waxa soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) waxaana loo galbiyay Madaxtooyada maamulkasi.

Wafdiga waxa kamid ah Wakiilka QM ee Soomaaliya danjire Michael Keating,danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya,Safiirka Talyaaniga iyo Wasiirka arrimaha dibada Itoobiya.

Waxa la filayaa in wafdiga ay kulamo halkasi kula qaatan Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor