Wafdi ka socda Masar oo kormeeray Xarumaha W/barasho ee ay Bacthada Masar ku lahaayeen Somalia.

Wafdi ka socda Wasaaradda Waxbarashadda iyo Barbaarinta ee dalka Masar, uuna hoggaaminayo Maxamed Muxadath ayaa waxay soo indha-indheeyeen goobaha W/barasho ee Macallimiinta Jaamacadda Al-azhar ay wax ka dhigi jireen oo ku yaalla magaalladda Muqdisho.

Wafdiga waxay la kulmeen Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federalka, Marwo Khadra Bashiir Cali iyo La-taliyaha Wasaaraddaasi, waxayna ka wada hadleen sidii Masaarida loogu soo wareejin lahaa Dhismayaasha ay Bacthada Masaarida wax ka dhigi jireen oo ku yaalla guud ahaan dalka Somalia, gaar ahaan magaalladda Muqdisho.

Wafdiga waxay kormeer hawleed ku tageen Dhismaha Dugsigii Sare ee Jamaal C/naasir ee wax ka dhigi jireen Macallimiinta Masaarida, laguna baran jirey Manhajka Luqadda Afrka Carabiga.

Engineer Muniir Fahiim oo ah Madaxa Dhismayaasha goobaha W/barashadda ee dalka Masar ayaa sheegay inuu safarkooda yahay sidii ay u qiimeyn lahaayeen Dib-u-dhiska Dugsiga Sare ee Jamaal C/naasir, si loo dayactiro, loona hawlgeliyo.

Booqashadda Wafdiga ka socda Wasaaradda W/barsahadda iyo Barbaarinta ee dalka Masar ayaa waxay ka dambeysay, kadib, markii ay Wasaaradaha W/barashadda iyo Tacliinta Sare ee Somalia iyo Masar kala saxiixdeen Heshiiska Iskaashiga W/barashadda ee labada waddan bishii August ee sannadkan.

MASAR

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor