Wafdi ka socda Kenya oo Dowladda Somalia kala hadli doono qorshaha lagu xirayo Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaaab

Madaxa Dowladda Kenya ugu qaabilsan Arrimaha Qxaootiga, Haruun Komeen ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi uu siiyey Wargeyska Toddobaadlaha ee The Nation on Sunday oo ka soo baxa magaalladda Nairobi, wuxuuna xusay inay Dowladda Kenya ka baaraan-degayso baahida loo qabo in si degdeg ah loo xiro Xeradda Dhadhaab oo ay ku jiraan rubuc million oo Qaxooti Somali ah.

Sarkaalkaasi waxa uu intaasi ku daray inay dhinacyadda ay khuseyso Qaxootiga la wadaagi doonaan waxa ka soo baxa caddaymaha baaritaanka lagu hayo inay Alshabaab weerarkii ugu dambeeyey ka soo abaabuleen Xeradda Dhadhaab.

Madaxa Arrimaha Qaxootiga ee Kenya, waxa uu tilmaamay inay maalinta Talaadada booqasho ku imaan doonaan magaalladda Muqdisho, si ay Madaxda Somalia kala hadlaan baahida loo qabo in la xiro Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab.

Waxa kaloo uu tilmaamay inay La-tashi la leeyihiin Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), si loo gorfeeyo arrintaasi.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay, kadib, markii ay Alshabaab toddobaadkii hore jidka u galeen gaadiid ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya, oo marayey Deegaanka Yumbis oo 5 Km  u jirta Xeradda Dhadhaab.

Weerarkaasi oo ay Alshabaab sheegteen ayaa lagu dilay Saraakiil ka tirsan Boliska Kenya,laguna gubay dhowr gaari oo ay Boliska wateen.

© Warqabadka Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor