Wafdi ka socda dowladda Qatar oo weli ku sugan Muqdisho iyadoo Caawa…

Magaalada Muqdishu maanta waxaa soo gaaray wafdi sare oo ka socda dawladda Qadar kaasi oo madaxda dawladda Soomaaliya la kulmay. Warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wafdiga Qadar uu hoggaaminayo Wasiiru Dawlaha Arirmaha Dibedda Suldaan Bin Sacad Al-Muraykhi.

Waxaa la sheegayaa in Wasiirku uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Khayre. Toddobaadkii horena waxaa Muqdishu joogay wasiir isaguna ka socda dawladda Sucuudiga.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay meel dhexe iska taagayso khilaafka u dhexeeya labada dawladood, waxayna ku baaqday in nabadgelyo lagu dhammeeeyo khilaafadka.

Khilaafka u dhaxeeyaya Xulufada Sacuudiga iyo dowladda Qatar ayaa saameyn weyn ku yeeshay Siyaasada Soomaaliya waxaana dowladda Soomaaliya ay haatan mareysaa laba mid dooro.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media