Wafdi ka socda dowladda oo gaaray jowhar,si ay u qaboojiyaan Xiisada ka jirta halkaas

Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa Caawa gaaray wafdi Wasiiro ah oo ka socda xukuumadda Federaalka Soomaaliya kuwaas oo la doonayo in farageliyaan xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Hir-Shabeelle.

Wafdigaan ayaa la sheegay in uu diray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre,waxana lagu soo waramayaa in ay haatan ku sugan yihiin Xarunta Madaxtooyada Hir-Shabeelle ee Magaalada Jowhar.

Saacadaha nasoo aadan ayaa la filayaa in ay kulamo kala duwan la qaataan Masuuliyiinta Maamulka Hir-Shabeelle,iyaga oo kala hadli doono dejinta xaalada Siyaasadeed ee Hir-Shabeelle.

Waxaa Wafdiga qeyb ka ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faarax Juxa, waxaa wehliya Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Wasiirka Waxbarshada, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal.

Sikastaba War-Saxaafadeed uu soo saaray Cali Cabduulaahi Cosoble Madaxweynihii xilka laga qaaday ayaa waxa uu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre in uu masuul ka yahay xilka qaadistii lagu sameeyay.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media