Dhageyso:-Wafdi ka socda dowladda Jabuuti oo tagaya Magaalada Hargeysa

Maamulka Somaaliland ayaa faah faahin ka bixiyay safar la sheegay in Magaalada Hargeysa iyo qeybo kamid ah Gobolka Sanaag uu ku tegi doono Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti Cabduqaadir Kaami Maxamed.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga maamulka Somaliland Cali Jaamac Buureed,ayaa War-Baahinta u xaqiijiyay Safarka Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti ee Somaaliland, waxa uuna shegay in ujeedka safarkiisa uu yahay mid uu ku doonayo in uu ku barto ehelkiisa oo qeybo kamid ah Soomaaliland ku nool

Sidoo kale Wasiirka ayaa hadalkiisa intaas ku daray in tani ay keeni karto in uu sare u kaco xiriirka ka dhaxeeya Somaaliland iyo dowladda Jabuuti walow safarka ra’iisul Wasaaraha uusan aheyn mid siyaasadeed.

Dowladda Jabuuti iyo maamulka Soamaliland ayaa ah kuwa Xuduud leh waxaana ay weligood la haayeen xiriir wanaagsan oo dhinac walbo leh.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media