Wafdi Dowlada ka socda oo soo eegi doona Derbiga ay Kenya ka dhiseyso Xadka Soomaaliya

Wafdi ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Xildhibaano u badan ayaa maanta la filayaa iney booqdan Magaalada Beled Xaawo si ay u soo eegan Derbiga ay ka Kenya ka bilawday dhismihiisa Xadka ay la wadaagto Soomaaliya.

Kenya ayaa dhismo balaraan ka bilawday qeyb kamid ah Dhulka Soomaalida Ee dhinaca Xadka Soomaaliya balse xukuumada Nairobi waa ay beenisay Warkasi.

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaleeceyay talaabadasi kuna tilmaamay mid meesha ka saareysa deris wanaaga ka dhaxeeya Labada Dal.

Waxa isbuucan mooshin laga gudbiyay joogitaanka Ciidamada Kenya kadib markii ay cirku isku sii shareertay arinta Xadka iyo derbiga sida sharci darada looga dhisayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor