Wadooyinka qaar ee Muqdisho oo Maanta xiran

Magalada Muqdisho wadaooyinkeeda qaar ayaa manta waxaa xiray Ciidamada kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya,iyada oo lagu guda jiro Todobaadka Xurriyada oo bilaabtay Maanta oo ah 26-ka june.

Ciidamada ayaa u diidaya in gaadidka dadweynaha iyo mooto Bajaajta intaba ay isticmaalaan qeybo ka mid ah Wadad Maka Al-Mukarama,isgoysyada Afarta Darjiino iyo Wadooyin kale.

Dadka Shacabka ah ayaa Maanta goobahooda Shaqada iyo goobahooda Waxbarashada ay lug ku tegayaan,waxaan Wadada Maka Al-Mukarama lagu arkayey dadka oo lugeynaya.

Sababa xirnaanshaha Wadada ayaa lagu sheegay in weli Muqdisho ay ka socdaan munaasabado lagu maamuusayo 26-ka June oo ah markii Gobolada Waqooyi ay ka xuroobeen gumeystihii Ingiriiska.

Madaxda Dowladda ayaa ugu baaqay shacabka Muqdisho in ay dulqaad muujiyaan,iyada oo dadka iska leh goobaha Ganacsi lagu amray in ay ku xardhaan Calanka Soomaliya oo ah Astaanta Qaranka Soomaaliya.

Sido kale waxaa dhawaan lagu soo fool leh 1-da Luulyo oo ah markii ay Midoobeen Gobolada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed xilligaas oo Gobolada Koonfureed ay xurriyada ka qaateen gumeystihii talyaaniga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor