Wadooyinka Muhiimka ee Muqdisho oo Maanta xiran

Iyada oo Maanta ay ku beegan tahay Maalinta 1aad ee ciidul fidriga,isla markaana Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadaha Caalamka ay u dabaal degayaan ayaa hadana waxaa xiran Wadooyinka Muhiimka ah ee Muqdisho.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa Maanta inta badan waxa ay xireen Wadooyinka Waaweyn ee Muqdisho,iyaga oo u diidaya in ay isticmaalaan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan marka laga reebo kuwa ay wataan masuuliyiinta dowladda.

Badi Shacabka Muqdisho ayaa Maanta wada lugeynaya,iyada oo la arkayo Waalidiin farabadan oo Carruurtooda gacmaha ka heysta kuwaas oo jdadka waaweyn ee Muqdisho lugeynaya.

Qaar ka mid ah Shacbka oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in ay dhibaato weyn tahay in manta oo ah maalinta 1aad ee Ciida in wadooyinka laga xirto,isla markaana aysan u suurtagelin in ay booqdaan Eheladooda si ay ula soo ciidaan.

Isgoys walba waxaa atagan Ciidamada dowladda kuwaas oo gaadiidka celinaya,waxana Wadooyinka sidoo kale lugeynaya dad u badan Carruur kuwaas oo waayeen Gawaari ay raacaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media