Wadooyinka Muqdisho oo Maanta xiran

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Maanta lagu arkayaa Wadooyinka waaweyn ee ku yaalla Muqdisho kuwaas oo u diidaya Gaadiidka inay Wadooyinkaas isticmaalaan.

Wadada Maka Al-Mukarama iyo tan Wadnaha ayaa Ciidamada lagu arkayaa,waxaana Gaadiidka dadweynaha iyo midka caadiga ahba mararka qaar lagu arkayaa Wadooyinka qarda jeexa ah iyaga oo isticmaalaya.

Dadka Muqdisho ayaa saakay ku soo toosay Ciidamo farabadan oo Wadooyinka taagan,waxaana dadka qaar ay sheegeen in aysan saakay aadin goobohoodii Ganacsiga halka Ardayda qaarkood ay ka baaqsadeen goobahoodii Waxbarashada.

Ammaanka Muqdisho aya siweyn Maanta loo adkeeyay,waxaana la filayaa in Xarunta Xalane uu Maanta ka furmo Shirka Amniga Qaranka,kaas oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dalka, kuwa Maamul goboleedyada iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media