Website lagu diiwaangelinayo dadkii ku geeriyooday qarixii Soobe oo Hawada la soo geliyay (Warbixin)

Koox dhalinyaro oo si iskood ah isku abaabulay laguna Magacaabo Gurmad ayaa Hawada sitoos ah u soo geliyay Website-kaan kaas oo loogu talo galay in lagu ogaado tirada saxda ah dadkii ku geeriyooday qarixii ka dhacay Isgoyska Soobe.

Website-kaan ayaa waxaa loogu soo bandhigayaa qof walba halkii uu ku diiwaangelin lahaa qofkii ka maqan, sidoo kale waxa uu Shalayaa in laguu baadi Goobo Ehelkaaga kaa maqan.

Waxaa jirtay in Maalinba Maalinta ka dambeysay in qof walba uu sheegayay tiro kala duwan oo ah dadkii ku geeriyooday qaraxas balse tani ayaa fududeyn doonta in la helo tirada saxda ah ee ku geeriyootay qaraxaas.

Hadaba linkiga Hoose ku dhufo ee diiwangeli qof kaa maqan raacna tilmaamaha uu ku siinayo Wabsate-ka.

https://gurmadqaran.typeform.com/to/cNDwD6

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media