Wabiga Shabelle oo ku fatahay deegaano hoostaga degmada Mahadaay

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelada Dhexe ayaa sheegaya in deegaano hoostaga degmada Mahadaay uu ku fatahay wabiga shabele ee gobolka mara.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in wabiga uu ka soo fatahay ilbiyood lagu magacaabo Huriwaa islamarkaana uu gaaray deegaano hoos yimaada degmada Mahadaay.

Weli lama soo sheegin khasaare xoogan oo uu wabiga geystay balse dadka deegaanka ayaa cabsi weyn ka qaba in wabiga ku sii fataho deegaanada oo dhan.

Wabiga Shabeele ayaa dhawaan ku fatahay deegaano hoostaga magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelada Dhexe.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor