Magaca Askarigii Maraykanka looga dilay Dagaalkii Alshabaab oo la shaaciyey.

ahaan u shaacisay magaca Askarigii Maraykanka ee dhawaan lagu dilay dagaalkii Ciiddanka Maraykanka iyo Alshabaab ku dhex maray duleedka Kismaayo.

Magaca Askariga lagu dilay dagaalkaasi ayaa lagu sheegay Saddex Alifle Alexander W. Conrad, oo 26-jir ah, kaasi oo ka tirsanaa Guutadda 1-aad, Kooxda 3-aad ee Ciiddanka Khaaska Maraykanka ee uu fadhigooda dhexe ku yaallo North Carolina.

Askarigaasi waxaa la sheegay inuu asal ahaan ka soo jeedo magaalladda Chandler ee Gobalka Arizona,

Dhinaca kale, Waaxda Difaaca Maraykanka weli ma aysan shaacinin afarta Askari ee Ciiddanka Maraykanka looga dhawaacay dagaalkii ay Alshabaab jimcihii hore kula galeen Deegaanka Sanguuni oo uu maro dhul-baraha Adduunka.

Geerida Askarigaasi ayaa ah kii  2-aad ee Ciiddanka Maraykanka looga dilo Somalia, iyadoo Askarigii ka horreyey lagu dilay bishi iMay ee saannadkii hore Hawlgal ka dhacay meel 64 KM dhanka Galbeed kaga toosan magaalladda Muqdisho.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media