Waan waantii Madaxweyne Farmaajo ee Khilaafka guddoonka Baarlaamaanka oo burbur ku dhow(Warbixin)

Maalmihii la soo dhaafay tan iyo wixii ka dambeeyey Sabtidii waxaa socday dadaalo lagu xalinayo khilaafka soo kala dhexgalay gudoonka Golaha Shacabka Soomaaliya kaas oo ka dhashay mooshinkii gudoomiye Jawaari ay ka gudbiyeen Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka.

Khilaafka gudoonka ayaa maalinba maalinta ka dambeysa ahaa mid sii xoogeysanayay,waxana Sabtidii la soo dhaafay garabka mooshinka ka gudbiyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ay ku adkeysanayeen in mooshinkaas cod loo qaadayo taas oo laga cabsi qabay in ay fowdo ka dhalato balse uu hakiyey Madaxweyne Farmaajo.

Tan iyo wixii xiligaas ka dambeeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waday dadaalo kale oo ku aadan in xal laga gaaro mooshinkaas,isla markaana wax walba wadahadal lagu dhameeyo laakin dadaaladaas ay u muuqdaan kuwo aan wax natiijo ah dhalin kadib markii ay soo baxeen Warqado is burinaya.

Shalay gduoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Shacabka waxa uu soo saaray wareegto uu Shaqada uga joojinayey xogheyaha Golaha Shacabka Cabdi Kariin Xaaji Cabdi Buux waxaa sidoo kale dabasocotay Warqad kale oo sharcidarro looga dhigay Shaqa joojintaas oo uu soo saaray gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xalay ayaa warar aan helnay waxa ay sheegayaan in madaxweyne Farmaajo uu kulamo gooni gooni ah la qaatay xildhibaanada mooshinka ka wada jawaari iyo kuwa diidan intaba,waxana kulamadaas la sheegay in wax natiijo ah ka soo bixin.

Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyey gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa iyana waxa ay sheegeen in maalinta Arbacadaha ah oo ku beegan 4 Bisha Apriil ay qabsan doonaan Kulankoodii caadiga ahaa,isla markaana cod loo qaadi doono mooshinka laga gudbiyey Jawaari.

Sidoo kale waxaa hadalkaas dabasocday xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinkaas oo la magac baxay badbaadada Baarlamaanka,kuwaas oo sheegay in ay ka digayaan fowdo Siyaasadeed oo ka dhacda kulanka Arbacada,wax ayna Madaxweyne Farmaajo ugu baaqeen in u mar deg deg ah ka soo saaro xiisadaas.

Sikastaba khilaafka ka dhashay mooshinkii laga gudbiyey Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa cirka isku shareeray kaas oo curyaamiyey dhammaan howlihii dowladda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media