Waalidiin Soomaali ku nool dalka Britain oo lagala wareegay Carruur ay dhaleen

4 carruur Soomaali British ah ayaa la sheegay inay Waalidkooda ku dacweeyeen inay ku khasbeen inay daawadaan Muuqaalo Video ah oo ay Kooxda Daacish qoorta kaga jareen La-haystayaal ah.

Carruurtaasi oo da’doodu kala ahayd 10-jir, 14-jir, 16-jir iyo 18-jir ah ayaa la rumeysan yahay in lagu wareejiyo Hay’addaha daryeela Carruurta ee dalkaasi.

Gabadha ugu weyn Carruurtaasi ayaa la sheegay inay la xiriirtay Laynka Telefoonka ee u gaarka ah Carruurta (Childline), isla markaana ay Saraakiisha u sheegtay in Waalidkooda u diideen inay Iskuuladda aadaan, kuna khasbaan inay daawadaan Muuqaalladda  Qoor-goynta ee Kooxda Daacish.

Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee UK ayaa sheegay inay Carruurta ku dacwoodeen inay Waalidkooda taageeraan Kooxha Xag-jirka, gaar ahaan Hoggaamiyaha Kooxda Daacish, Abu Bkaar Albaqdaadi.

Waalidiinta la soo eedeeyey oo ka soo hor muuqday Maxkamadda Sare ee dalkaasi waxay si kulul u beeniyeen arrimtaasi.

Dhinaca kale, Haweeneyda lagu magacaabo Dame Esther Rantzen oo  asaastay Childline ayaa sheegtay inay la wareegeen Daryelka Carruurtaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor