Waalidiin iyo Caruur ay dhaleen oo lagu xiray Magaalada Hargeysa

Ciidamada Booliiska Maamulka Soomaaliland ayaa Xabsiga dhigay tiro dhalinyaro ah iyo Waalidiintooda kuwaas oo Shaqaaqo rabshado dhaliyay ka sameeyay Xaafado ka tirsan Magaalada Hargeysa.

Dhalinyaradaan oo degan Xaafadaha Cabaaye iyo Daami ee la xir xiray ayaa bilaabay in ay sitoos ah u wada dagaalamaan taas oo keentay in laba ka mid ah dhalinyaradii ay geeriyoodaan.

Xiisadii ayaa weli ka taagan Magaalada Hargeysa,waxaana Xabsiga ku jira tiro dhalinyaro ah iyo Waalidiintooda oo ay ciidamadu xireen si rabshaduhu u istaagaan.

Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwa  Booliiska Soomaaliland ayaa haatan ku sugan Xaafadihi lagu dagaalamay ee Cabaaye iyo Daami ee Magaalada Hargeysa si aysan dib usoo laaban dagaalka dhexmaray dhalinyarada kala degan Xaafadahaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media