Waa Sidee xaalada Caafimaad ee gudoomiyaha degmada Wadajir oo qaraxii Maanta ku dhaawacmay?

Waxaa haatan soo hagaageysa xaalada Caadimaad ee gudoomiyaha degmada Wadajir ee gobolkaan Banaadir Cumar C/llaahi Xasan kaas oo ku dhaawacmay qarax Ismiidaamin ah oo Maanta Duhurkii ka dhacay Xarunta Maamulka degmada Wadajir ee gobolkaan Banaadir.

Gudoomiyaha ayaa dhaawiciisa waxa uu yahay mid fudud,waxana haatan lagu daweeynayaa Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho sida ay Radio Dalsan u sheegeen Dad xog ogaal ah oo Isbitaalka ku sugan.

Qaraxa uu ku dhawacmay gudoomiyaha degmada Wadajir ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 10 ruux halka in kalena ay ku dhaawacmeen.

Cumar Cabdullaahi Xasan ayaa ka mid ahaa 15 Gudoomiye degmo oo dhawaan loo magacaabay degmooyinka Gobolkaan Banaadir,islamarkaana xilkaas uu  kala wareegay Axmed Cabdulle Afrax oo ahaa gudoomiyaha degmada Wadajir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media