Waa sidee saakay xaalada deegaanka Xeraale ee G/Galgaduud

Xaalada deegaanka xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta degan halkaas oo xalay ilaa shalay Gelinkii dambe ay ku dagaalameen laba maleeshiyo beeleed.

Dagaaladii u dambeeyay ee dhexmaray labadaasi Maleeshiyo beeleed ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen in ka badan 10 ruux halka dhaawacuna uu intaas ka badan yahay boqolaal kalena ay barakaceen.

Masuuliyiinta Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna wal-Jamaaca ayaa midba midka kale waxa uu ku eedeynayaa in dagaalka isaga uu hurinayo.

Dadka ku nool deegaanka Xeraale ayaa iyagu aaminsan in ay hoostagaan Maamulka Galmudug halka Maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna ay iyana doonayaan in ay maamulaan deegaankaasi.

Wararkii u dambeeyay ee xeraale ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu saakay tahay mid degan in kastoo markasta la filankaro in ay wada dagaalamaan labada maleeshiyo beeleed kuwaas oo iskuhor fadhiya deegaanka Xeraale

W/Q/Cabduqaadir Jakaarta

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media