Waa sidee saakay Wadooyinka Muqdisho ee xirnaa?

Mudo Saddex Cisho ah kadib waxaa Maanta dib loo furay Wadooyinka muhiimka ah ee Magalada Muqdisho oo isku-socodka dadka iyo Gaadiidka kala xirnaa balse Maanta dib loo furay.

Wadada Maka Al-Mukarama oo ka mid ahaa Wadooyinkii ugu adkaa in  Gaadiidka isticmaalo ayaa saakay gebi ahaan furan,waxana isticmaalaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo midka dadweynaha ee Bii’elka.

Goobaha qaar ee Wadooyinka ayaa ciidamadu gaadiidka u diidayaan,iyaga oo u shegaya in weli asyan amar u heysan in gaadiidku ay maraan,sidoo kale waxaa weli dhagxaan waaweyn ay ku xiran yihiin Wadooyinka loo yaqaano jid cadayaasha.

Labadii Maalmood ee ciidul fidriga ayaa dadka muqdisho waxa ay ka cabanayeen xirnaanshaha wadooyinka,waxana ugu adkeyd shalay oo uu muqdisho soo gaarey ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Sikastaba laamaha amniga Soomaaliya ayaa intii lagu guda ajiray bisha barakeysan ee Ramadaan waxa ay ku guuleysteen in ay inta badan xaqiijiyaan amniga Magalada Muqdisho,iyaga oo sameynayey baaritaano gaadiidka iyo dadweynaha ah intaba.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media