Dhageyso:-Waa sidee Dareenka Somalida kunool Sacuudiga ee Xiriirka Somalia iyo Sacuudiga.

Tan iyo wixii ka dambeeyay markii qaar kamid ah wadamada Khaliijka ay shaaciyeen in xiriirkii diplomaasiyadeed ay u jareen Dalka Qatar,ayaa wadamo kamid ah Ururuka Jaamacada Carabta ay go,aankaa ku taageereen qaar kamid ah oo ay Somalia kujiro meel dhexaad ayey iska taageen xiisadaas siyaasadeed.

Isbaheysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ee ka dhanka ah Dalka Qatar ayaa Somalia ku cadaadinaya in ay go’aan Qaadato,wafdi ka socda khaliifka ayaana todobaadkii hore yimid Muqdisho,dhinaca kale Dowlada Qatar ayaa ku howlan sidii ay taageero uga kasbanlaheed Dowlada Somalia oo wakiilo ka socda Dowladaas ayaa waxa ay  la kulmeen Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa sii kordhaya walaaca ay qabaan dadka Somalida ee kunool dalka Sacuudiga kuwa Sharciga heesta iyo kuwa aan sharci u heesan joogitaanka wadankaasi.

Aqoonyahay Xasan Xeyle Tooxoow oo kunool Dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa Wareysi uu siiyay Radio Dalsan waxa uu kaga  sheekeeyay dareenka ay qabaan Somalida Sacuudiga,waxaana uu ku baaqay in dowlada ay qaadato go’aan aan dhibaato u horseedeen Somalida Sacuudiga.

Halkan Ka dhageyso Aqoonyahan Xasan Xeyle:

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media