Villa Somalia oo lagu qabtay Askar iyo Shaqaale lala xiriinayo Alshabaab

Ilo ku dhow Xarunta Madaxtooyadda ee Villa Somalia ayaa sheegay in la soo gebagebeeyey Hawlgal Baaritaanka ee laga waday gudaha Villa Somalia.

Warar xog-ogaal ayaa u xaqiijiyey Radio Dalsan in Hawlgalkaasi lagu soo xiray 2 Askari iyo qof ka tirsan Shaqaalaha Villa Somalia, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab.

Saraakiisha Villa Somalia wey ka gaabsadeen inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan Hawlgalkaasi oo socday tan iyo Barqanimadii maanta.

Ammaanka gudaha iyo nawaaxiga Villa Somalia ayaa la sheegay in aad loo adkeeyey, waxaana la xadiday isku socodka Dadka iyo Gaadiidka geli jirey ama ka bixi jirey Xarunta Madaxtooyadda oo hoy iyo Xafiisyo u ah Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda sare ee dalka.

 ©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media