DHAGEYSO: AMISOM oo Laga Mamnuucay Isticmaalka Wadada Maka-almukarama

Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed( Thabit Ab) ayaa Soo Saaray Amar Looga Mamnuucayo Maridda Gaadiidka Ciidanka AMISOM  wadadada Makka- Almukarama Oo Ka Bilaabaneysa Isgooska Sayidka (Oto-Oto) Ilaa Isgooska Benaadir Laga Bilaabo Saacadaha 6:00 Subaxnimo Ilaa 12:00 Habeenimo.

Wareegto ka soo baxday Guddoomiye Taabid ayaa lagu mamnuucay isticmaalka gaadiidka AMISOM ee wadadaas, kuwaas oo dhibaatooyin xiliyada qaar ay kala kulmaan shacabka Muqdisho.

Afaaheen Xalane ayaa warbaahinta u aqriyey wareegtadaas.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.