USA: Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM oo loogu deeqay gaadiidka u adkaysta Miinooyinka.

Ciiddamo ka tirsan Mariniska Maraykanka ayaa waxay Ciiddanka Uganda tababar ku siinayaan Xeradda Singo oo ku taalla Uganda, si loogu tababaro isticmaalka gaadiidka u adkeysan kara inay dul-maraan miinooyinka iyo qaraxyadda kale ee jidka loogu aaso.

Waa Tababarkii Labaad oo ay Ciiddanka Khaaska ee Mariniska Maraykanka u fidiyaan Milliteriga Uganda, iyadoo uu Hawlgalkii Koowaad bilowday dabayaaqaddii bishii August ee la soo dhaafay.

Ku-xigeenka Koowaad ee Kooxda Tababarka Lojististikada Mariniska Maraykanka 1st Lt. Christopher Leisring,ayaa sheegay in Hawlgalkan cusub lagu barayo Ciiddanka Uganda isticmaalka gaadiidka u adkeysan kara miinooyinka iyo weeraradda Jidgalka (mine-resistant, ambush protected vechile).

Dowladda Maraykanka waxay bilowgii sannadkan sheegeen inay Gaadiidkaasi u soo diri doonaan Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.
Gaadiidkaasi ayaa la sheegay inay Hawlgalka AMISOM ka taageeri doonaan La-dagaalanka Alshabaab iyo khatarta ay Gaadiidka AMISOM kala kulmi jireen  miinooyinka loogu aaso Waddooyinka.

1st Lt. Christopher Leisring,waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la fahmo isticmaalka gaadiidkaasisi loo helo dhaqdhaqaaqa madaxa-bannaan ee Gaadiidka ee deegaanadda khatarta ah.

US MARINES 2 us marines 1 US MARINES 4 US MARINES 3 Uganda 1 uganda 2 uganda 3

Xigasho: africom.mil

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor