Ururka Suxufiyiinta RSF oo cambaareeyey weerar ay Ilaaladda Wasiir ka tirsan Somaliland u geysteen Xafiis Warbaahineed.

Hadal qoraal ah oo ka soo baxay Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn (Reporters Without Borders (RSF) waxaa si kulul u cambaareeyey weerarkii ay Ilaaladda Wasiirka Caafimaadka ee Maamulka Somaliland, Dr. Suleymaan Ciise Xaglo-toosiye ku qaadeen Xafiisyadda Telefishinka Madaxa Madaxa Bannaan ee Somali Channel ku leeyihiin magaalladda Buuhoodle.

Ilaaladdaasi waxay bishan 8-dii xoog ku galeen  Xafiisyadda Telefishinka Somali Channel ku leeyihiin magaalladda Buuhoodle ee Gobalka Cayn, waxayna qaateen dhamaan Kombiyuutaradii iyo Kaamerooyinka yaallay Xafiiskaasi.

Weriyayaashii joogay Xafiiskaasi  ayaa la sheegay inay si dirqi leh kaga badbaadeen rasaas ay ku soo rideen Ilaaladda Wasiir Xaglo-toosiye.

Madaxa Ururka Suxufiinta Aan Xuduudka Lahayn ugu qaabilsan Qaaradda Afrika, Clea Kahn Sriber waxay sheegtay inay aad uga naxeen Weerarkaasi, waxayna ugu baaqday Maamulka Somaliland inay Cambaareeyeen Falkaasi, lana soo maxkamadeeyo Ciiddankii ka dambeeyey Weerarkaasi.

Wxaay kaloo ku baaqday in dib loo soo celiyo Qalabkii Telefishinka ee la qaatay, iyadoo hoosta ka xariiqday inaan qalabkaasi la’aantooda la shaqeyn karin.

Dalka Somalia waxa uu ka mid yahay Tobanka Waddan ee Caalamka ee lagu dhibaateeyo Suxufiyiinta, waxayna Somalia kaalinta 172-aad kaga jirta Qiimaynta Ururka Suxufiyiinta Aan Xuduudka Lahayn ee RSF uu soo saaray sannadkii hore.

©Radio Dalsan   

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor