Ururka Saxafiyiinta Map oo Cambaareeyay xariga Wariye Cumar dheere

Ciidamada Mamulka Puntland ayaa Xabsiga u taxaabay Wariye Cumar Siciid Maxamed,oo ka mid ah Wariyaasha Garoowe ka howlgalla ahna Xogheyaha Ururka Saxafiyiinta Map.

Sidoo kale Wariyaha ayaa ahaa Wakiilka Tv-ga Somali Cable,ee Magaalada Garoowe,waxaana la ogeyn ilaa iyo hada sababta loo xiray Wariyaha.

Taliska Booliiska Magaalada Garoowe ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen in wariyaha ay haatan baaritaano ku hayaan islamarkaana lasoodeyn doono.

Ururka Suxufiyiinta Puntland ee Map ayaa ayaa aad u cambaareeyay falka lagu xiray Wariyaha waxa ayna sheegen in sideg deg ah loo soo daayo

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media