Ururka ONLF oo ka Hadlay Magacaabista Abiy Axmed

Warsaxaafadeed uu soo saaray ururka ONLF ayaa lagaga hadlay mgaacaabista Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Ethiopia, Abiy Ahmed.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dadka Soomaalida ah iyo Ethiopia-da kaleba ay ka shaki qabaan talaabada siyaasadeed ee ururka EPRDF uu ku keeni karo isbeddel micno leh, sababta oo ah, baa warsaxaafadeedka lagu yiri, taariikhda taban ee xisbigan oo ku sifoobay khayaamo, inuu muquuniyo dhamaan awoodaha kale ee siyaasadeed iyo inuu adeegsado gacan ka hadal, iyo xadgudubyo waaweyn oo dhinaca xuquuqda aadamaha ah oo mucaaradka loo geysto.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in marar badan, ururka EPRDF uu si joogto ah u marin habaabiyey dadka iyo bulshada caalamkaba si uu indhaha dadka uga jeediyo xadgudubyada waaweyn, maamulka aan dimoqraadiga ahayn ee uu ku hayo, gaar ahaan dadka Soomaalida ah ee Ogaden ku nool, ayaa warsaxaafadeedka lagu yiri.

Warsaxaafadeedka ayaa intaas ku daray in dadka Soomaalida ah muddo qarni ah la xagal daaciyey, si xunna loo dhibaateeyey, iyada oo xisbiga EPRDF-na uu uga sii daray, oo uu dhaafiyey dhamaan talisyadii ka horeeyey, isla markaana uu burburiyey karaamadii iyo noloshii dadka Soomaalida, sida warfasaxaafadeedka lagu sheegay.

Iyada oo ay intaasi oo dhami jirto, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka, ayaa ururka ONLF uu rumeysan yahay, in dhamaan dhibaatooinka jira lagu xalliyo hab nabad ah, iyada oo ururka ONLF uu marar badan taliska la galay wadahadalo nabadeed oo dhinac saddexaadna uu qeyb ka ahaa, hase yeeshee aan waxba laga gaarin.

Warsaxaafadeedka ayaa ugu dambeyn lagu sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool Ogaden ay Abiy Ahmed ku xukmin doonaan falalkiisa ee aanay ku xukmin doonin hadaladiisa la qurxiyey.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media