Ururka NUSOJ oo walaac ka muujyey falkii shalay lagu dilay Saxafi, mid kalena lagu dhaawacay

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ), Maxamed Ibraahim Pakistan ayaa sheegay inay ka tiiraanyeysan yihiin falkii shalay lagu dilay Mustaf C/nuur Safaana oo ahaa Saxafi Madax Bannaan iyo dhaawacii Sawir-qaade Faysal Omar oo ka tirsan Wakaalladda Wararka ee REUTERS.

Labadaasi Saxafi ayaa waxay waxyeelladdu ka soo gaartay, xilli ay warar ka tebinayeen Weerarkii shalay ee ay Alshabaab ku qaadeen Hotelka Saxafi.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ), Maxamed Ibraahim Pakistan waxa uu sheegay inay cambaareynayaan dhamaan weeraradda ka dhanka ah Warbaahinta iyo Shaqaalahooda, wuxuuna ku booriyey Suxufiyiinta inay ka fogaadaan goobaha ay qaraxyadda ka dhacaan, sababo ammaankooda.

Waxa kaloo uu tacsi u diray Qoyska, Saaxiibadda iyo  dadka ay isla shaqeynayeen Sawir-qaade Mustaf C/nuur Safaana

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ), waxa uu  u rajeeyey Sawir-qaade Faysal Omar inuu ka soo bogsado dhaawacyadda.

Dhinaca kale, Geerida Sawir-qaade Mustaf Cabdinur Safaana ayaa waxay tiradda ka dhigaysaa Saxafigii 3-aad ee Somalia lagu dilo sannadkan 2015-ka.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor