Ururka Jaamacadda Carabta oo sheegay inay taageerayaan Hawlaha Waxbarashadda Somalia

Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Nabiil Al-carabi waxa uu shalay Xafiiska ku qaabilay Wafdi ay hoggaaminaysay Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Somalia, Marwo Khadra Bashiir Cali oo maalmahan booqasho hawleed ku joogtay caasimadda dalka Masar ee Qaahira.

Nabiil Al-carabi iyo Wasiirada, waxay ka wada hadleen Xaalladda Guud ee Somalia iyo Taageeradda ay Dowladaha Carabta u fidiyaan dalka Somalia, gaar ahaan dhinacyadda Siyaasadda, Horumarinta Waxbarashadda iyo Amaanka.

Marwo Khadra Bashiir waxay ka mahadcelisay Taageeradda Dowladaha Carabta, waxayna ku baaqday in taageero laga geysto Adeegyadda Waxbarashadda ee dalka Somalia.

Wxaay kaloo ku baaqday in Somalia laga taageero dhibaatooyinkii laga dhaxlay colaadaha sokeeye iyo Falalka ay geystaan Kooxo ay ugu yeertay Argagixiso.

Kulanka dhex maray Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Nabiil Alcarabi iyo Wasiirada Waxbarashadda iyo Tacliinta Sare ee Somalia, Marwo Khadra Bashiir Cali waxaa goob-joog ka ahaa Danjiraha Somalia u jooga  dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtadda ee Somalia u fadhiya Ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Abdullahi Hassan iyo Saraakiil kale.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor