Ururka Jaamacadda Carabta oo ku baaqay in la taageero Golaha Fulinta iyo Barlamaanka Federalka Somalia

War-murtiyeed ay Hoggaamiyayaasha Carabta ka soo saareen Kulankii xalay ugu dhamaaday magaalladda Dhahraan ee dalka Sacuudiga ayaa waxay ugu baaqeen Dowladaha Carabta iyo Xoghaynta Ururka Jaamacadda Carabta inay taageero Siyaasadeed, qalab iyo faarsamo siiyaan Hay’addaha Xukuumadda Federalka iyo Labada Gole ee Barlamaanka, si ay awood ugu helaan inay sii waadaan dadaalka Siyaasadda iyo Ammaanka.

Baaqa waxaa kaloo lagu sheegay in Xukuumadda iyo Golaha Sharci-dejinta laga taageero Dib-u-dhiska  Hay’addaha Dowladda, Dhamaystirka Dastuurka KMG, Isbedelka Qeybta Ammaanka, dhismaha Xisbiyadda Siyaasadda, Hufnaanta iyo Isla-xisaabtanka.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Carabta waxay ku baaqeen in DFS loo fidiyo Taageero Degdeg ah oo dib loogu dhisayo Ciiddanka Ammaanka iyo Hay’addaha Milliteriga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media