Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), QM iyo Maraykanka oo cambaareeyey qarixii shalay ka dhacay Muqdisho

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Yuusuf Bin Axmed Cuthaymayn waxa uu si kulul u cambaareeyey Qaraxaasi oo ay 32 qof ku geeriyootay, kuna dhaawacmeen tiro kald.

Waxa uu sheegay inay Tacsi u dirayaan Dowladda Somalia iyo qoyaska ay dadka kaga geeriyoodeen Qaraxaasi, wuxuuna xusay in dad rayid ah lagu dilay qaraxasi.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha Somalia, Michael Keating ayaa sheegay inay QM cambaaraynayso qaraxyadii shalay ka dhacay magaalladda Muqdisho.

qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayuu ku sheegay in Hawlgalka QM ee Somalia (UNSOM) cambaaraynayaan qaraxyadda lala begsado dadka rayidka ee ku nool Muqdisho, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa kale oo uu sheegay inuu ka argagaxay Qaraxyadaasi, wuxuuna Tacsi u diray Ehelladda dadkii shalay ku geeriyoday Qaraxyadaasi.

Dhinaca kale, Hadal=qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka waxay cambaarsay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho, waxaynta u tacsideyeen Qoysaskii ay dadka uga geeriyodoeen qaraxaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media