Ururka Daalibaan oo qabsaday Caasimadda Gobolka Paktika

Kooxda Daalibaan ayaa sheegtay inay maanta qabsadeen caasimadda Goblka Paktika ee Sharana.

Afhayeenka Daalibaan, Zbihulalahi Mujaahid ayaa hadalkaasi ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka, isagoo sheegy inay la wareegeen Dhismaha Guddoomiyaha Gobalka, Xarumaha Boliska iyo dhismooyin kale.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay qabsadeen gaadiid dagaal oo ay Ciiddanka Dowladda kaga tageen dhinacyada Waddooyinka.

Waaberigii hore ee saakayto, Kooxda Daalibaan waxay qabsadeen Caasimadda Gobalak Logar ee Pol-e-Calam oo 50-KM u jirta caasimadda dalkaasi ee Kabul.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor