Ururka Daacish oo War kasoo saaray dhimashada hoggaamiyahoodii Al-Qureyshi

Hoggaamiyihii ururka Daacish Abu Al-Hassan Al-Hashimi Al-Qurayshi ayaa la sheegay inuu ku dhintay dagaal dhowaan dhacay, sida uu xaqiijiyey Afhayeenka kooxdaas oo warbaahinta la wadaagay fariin cod ah oo la baahiyey Arbacadii. Afhayeenku faahfaahin intaas ka badan ma bixinin.

Al-Qurayshi ayaa noqonaya hoggaamiyihii labaad ee kooxda Daacish ee la dilo sannadkan gudihiisa, xilli ay kooxdani isku dayayso inay dib u soo celiso awoodeedii, iyada oo unugyo khaas ah oo ka tirsan kooxdani ay weeraro dhimasho badan dhaliya ka geysanayaan dalalka Ciraaq iyo Syria.

Sidoo kale garabka kooxda Daacish ee ka dagaalama dalka Afghanistan ayaa iyaguna bilahan u dambeeyey waxay sheegteen inay geysteen weeraro badan oo ay ku laayeen tobanaan qof.

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in al-Qurayshi in la dilay badhtamihii bishii October, iyada oo lagu dilay hawlgal ay qaadeen ciidamada mucaaradka Syria ee ku sugan gobolka Koonfureed ee Daraa. Hase ahaatee illaa haatan lama garanayo sababta keentay inay bil iyo badh qaadato in la shaaciyo geerida hoggaamiyaha Daacish.

Afhayeen u hadlay ciidamada milateriga ee Maraykanka ayaa sheegay inaanay jirin ciidamo Maraykan ah oo ku lug yeeshay hawlgalkan.

Codka ay baahiyey ururka Daacish oo lagu baahiyey barta isgaadhsiinta ee Telegram ayaan xog badan lagaga bixinin hoggaamiyaha cusub ee kooxda, hase ahaatee afhayeenka kooxdaas ayaa codka uu soo duubay ugu baaqay xubnaha ururku inay bayco la galaan hoggaamiyaha cusub.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor