Ururada Bulshada Rayidka oo ka Jawaabay Go’aankii ay Baarlamaanku ku diideen talaabadii Maxkamada Sare(War-Saxaafadeed)

Ururka Jilayaasha aan dowliga aheyn ee (Soscensa) Ayaa ka jawaabay diidmadii Maalin ka hor Xubnaha Golaha Shacabka ay uga horyimaadeen Go’aankii ay horay u soo saartay Maxkamada Sare ee dalka kaas oo ku aadanaa in dib loogu laabto doorashada 8 Kursi oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulan ay Maanta ku yeesheen gudaha Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka soo saareen War-Saxaafadeed ay ku sheegeen in talaabadii ay qaadeen xubnaha Golaha Shacabka ay aheyd mid aan wanaagsaneyn oo u baahneed in laga fiirsado.

Sidoo kale waxa ay ugu baaqeen Bahda Saxaafada in arinkaan ay dood ka furan islamarkaana ay fursad siiyaan Sharciyaqaanad dalka.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka

Warsaxafadeed 24 July 2017

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media