Urur sheegtay Mas’uuliyada Qarax lala beegsaday Wasiir ka tirsan Afganistan

Bayaan ka soo baxay Ururka Daalibaan ayey ku sheegeen inay ka dambeeyeen Qarixii xalay lala beegsaday Wasiirka Difaaca ee dalkaasi, Jeneral Bismillaahi Maxamedi Khaan.

Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyey meel ku dhow Guriga Martida ee uu Wasiirka ka deggan yahay caasimadda dalkaasi ee Kaabul.

Afhayeenka Wasaaaradda Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Mirways Istanekzaay waxa uu sheegay in ugu yaran 8 qof ayaa ku geeriyootay, 20 kalena ku dhaawacantay Qaaraxaasi.

Afhayeenka waxa uu tilmaamay in la wada dilay Afartii dableyda ee weerarka soo qaaday, kadib, markii lala galay Isk-horimaad socday muddo 5 saacadood.

Dhinaca kale, Xisbiga uu ka tirsan yahay Wasiirka la weeraray ee Jameecadu Islaamiyah waxay sheegeen in Wasiirka iyo Qoyskiisa si nabad ah looga saaray guriga lagu weeraray.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor