Urur-gobaleedka IGAD oo berrito ka wada hadli doona Arrimaha Somalia iyo South Sudan

Dowladda Uganda waxay marti-gelinayaa Kulankaasi oo berrito ka furmi doona Hotelka Sheraton ee magaalladda Kampala.

Kulankaasi oo socon doona muddo 2 maalmood ayaa waxaa ka qeyb geli doona Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Dibedda ee 8-da Waddan ee xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD.

Shirkaasi waxaa kaloo lagu casuumay Xildhibaano, Khubarada Socdaalka ee IGAD iyo Saraakiil ka kala socda Hay’addaha QM ee u xil saaran Arrimaha Qaxootiga iyo Socdaalka.

Warbaahinta Uganda ayaa sheegtay in Kulankaasi oo Wada-tashi ah looga hadli doono Arrimaha Somalia iyo South Sudan iyo Baratokoolka Dhaqdhaqaaqa Xorta ee Qaxootiga labadaasi Waddan ee gudaha dalalka IGAD.

Kenya iyo Uganda waxaa ku nool Qaxooti badan oo ka soo kala jeeda Somalia, South Sudan iyo kuwo kale, kuwaasi oo culays ka haysto Xorriyadda Socdaalka Guud.

Si kastaba ha ahaatee, Urur-gobaleedka IGAD waxaa xubno ka ah dalalka Somalia, Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Uganda,  Sudan iyo South Sudan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media