.UNPOS oo sheegtay inay baarayaan Gantaal la tuhunsan yahay inay Dowladda Somalia soo iibsatay

Sarkaal ka tirsan Xafiiska QM ee Adeegga Mashaariicda “The UN Office of Project Services eeUNPOS“ oo lagu magacaabo David Bax ayaa dhawaan soo saaray Warbixin muhiim oo uu ku sheegay inay Dowladda Federalka Somalia soo iibsadeen Gantaalka Lidka Diyaaradaha ee nooca SA 7.

Wargeyska Inner City Press oo dabagal ku sameeyey Warbixintaasi, ayaa waxa uu arrintaasi wax ka weydiiyey Ergayga Gaarka ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Nicholas Kay.

Nicholas Kay waxa uu tilmaamay inay eedeymahaasi weli ku jiraan baaritaano, isla markaana uusan haatan wax war ah ka bixin karin.

Wargeyska Inner City Press ayaa sheegay inuu Nicholas Kay gacanta ku hayey qoraal yar oo uu ka akhriyey inay eedeymahaasi weli lagu hayo baaritaano.

Wargeyska ayaa mar kale weydiiyey Nicholas Kay  inay maqleen in la soo gebagebeeyey WarbixintaXafiiska QM ee Adeegga Mashaariicda “The UN Office of Project UNPOS  lana shaacin doono, waxa uu Ergayga ku jawaabay in waxa uu akhriyey ay wada yihiin waxa uu awoodo inuu sheego.

 Dhinaca kale, Wargeyska “The Inner City Press”, waxay Ra’isul-wasaaraha Somalia, Omar Abdirashiid Ali Sharma’arke iyo Ergayga Gaarka ee Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Somalia wax ka weydiiyeen Arrimaha Hawlgalka AMISOM 

iyo Maamulladda Puntland iyo Somalia,iyo qorshaha Maraykanka safiir ugu soo dirayaan Somalia balse labada mas’uul wey ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrimahaasi

Xigasho:  Inner City Press

©Warqabadka Dalsan RadioSA 7 unpos

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor