UNHCR oo xulanayso 8 degmo oo la dejin doono Qaxootiga ka so olaabanayo Kenya

Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), Antonio Guterres ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi  uu siiyey Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA, wuxuuna xusay in Safarkii uu ku tegay Kenya guul laga gaaray.

Waxa uu intaasi ku daray in Dowladda Kenya isla gaareen Isfaham ku aadan Aayaha Qaxootiga Soomaalida ku nool Xeradda Dhadhaab.

“Dib-u-celinta Qaxootiga, waxaa asaas looga dhigay Qaxootiga doonaya inay iskooda ugu laabtaan dalkooda hooyo ee Somalia” ayuu yiri Antonio Guterres, oo intaasi ku daray in la raacayo Heshiiskii Saddex-geesoodka ee ay Dowladaha Kenya, Somalia iyo Hay’adda UNHCR wada gaareen.

Waxa uu intaasi ku daray inuu Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia iyo Madaxweynaha Maamul-gobaleedka Jubbaland  la qeybsaday Isfahmkaasi.

Antonio Guterres waxa u usheegay inay taageersan yihiin qorshaha Dowladda Kenya ee lagu sugayo ammaanka Xerooyinka Qaxootiga ku yaalla Kenya.

Xeradda Dhadhaab waxaa haatan ku nool in ka badan 350,000 oo Qaxooti Soomaali, iyadoo 80% qaxootigaasi yihiin haween iyo carruur.

Dhinaca kale, Madaxa UNHCR waxa uu tilmaamay in la gaaray Heshiis lagu xulanayo 8 Degmo oo ka tirsan Somali oo ammaan ah, si loo dejiyo Qaxootiga iskooda u soo laabanayo.

“Waxaan doonaynaa in la xaqiijiyo xaalladda nolosha, si ay Qaxootiga usoo laaban karaan” ayuu yiri Mas’uulkaasi oo intaasi ku daray inay dejinayaan qorshe lagu dhisayo Mashaariic Dugsiyo iyo dhismooyin lagu hagaajinayo Qaxootiga soo laabanayo.

Xigasho:- XINHUA

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor