UNHCR oo Tahriibayaal ay Somali ku jiraan ku wareejisay Xero lagu hayo Muhaajiriinta oo ku taalla dalka Libya

Iyadoo ay Dowladaha Midowga Europe jahwareer ka qaadeen Tahriibayaasha ku le’anayo Badda Mediterranean ayaa waxay  Hay’adda QM ugu qaabilsan Qaxootiga (UNHCR) iyo Hay’addaha ay wada-shaqeynta leeyihiin ku guuleysteen inay bartamihii bishan April  Kumanaan Tahriibayaal ah u gudbiyaan Xero dadka socotadda shisheeyaha lagu hayo  oo ku taalla  gudaha dalka Libya.

Hadal ka soo baxay UNHCR ayaa lagu sheegay inay taageereen Qaxooti tiradoodu dhan tahay 1,242 qof oo laga soo badbaadiyey Badda, kuwaasi oo badankooda loo qaaday Xerooyinlagu hayo dadka socotadda ah.

Waxaa kaloo la sheegay in Xeradaasi lagu hayo Tahriibayaal badan oo ay Ilaaladda Xeebaha soo qabteen iyo in ka badan 200 Tahriib-sugayaal ku sugnaa Deegaanka Tajuura oo 16-KM dhanka Bari kaga toosan Caasimadda dalka Libay ee Tripoli.

Afar ka mid ah dadkaasi ayaa waxaa ka mid ah Hooyo iyo wiilkeeda oo 2-jir ah, kuwaasi oo ay ku yaallaan dhaawacyo gubasho  ka soo gaaray Shoolada cuntadda lagu kariyo oo ku qaraxday.

Dhinaca kale, Afhayeenadda  Hay’adda UNHCR, Ariane Rummery oo Saxaafadda kula hadashay magaalladda Geneva ee dalka Switzerland ayaa sheegtay  inay 15 Xarumo lagu hayo Thariibayaasha laga hirgeliyey gudaha dalka Libya, iyadoo dadka ugu badan ee lagu hayo Xeryahaasi u kala dhasheen Somalia, Eritrea, Ethiopia iyo Sudan.

Waxay kaloo sheegtay in ugu yaraan 2,553 Tahriibayaal oo ay ku jiraan carruur iyo haween lagu hayo 8 xayuumood oo dadka lagu hayo oo ku yaalla gudaha dalka Libya