UNHCR oo sheegtay in ku dhawaad 700 oo Muhaajiriina ah ay ku dhinten badda Mediterraneanka

Hey’adda UNHCR ee arrimaha qaxootiga ayaa sheegtay in ku dhawaad 700 oo muhaajiriin ah iney ku dhinten badda Mediterraneanka intii lagu jiray isbuucan.

Seddex shil oo kala duwan ayaa loo maleynayaa iney dadkasi ku dhinten isbuucan aynu ku jirno sida hey’adda ay shaacisay.

Carlotta Sami oo ah Afhayeenka UNHCR ayaa sheegtay in weli la la’yahay 100 qof oo saarnaa doon ku degtay badda maalintii Arbacada.

Ciidamada Badda Talyaaniga ayaa sawiro cabsi leh ka soo qaaday doon la dageysa muhaajiriin badan.

Sido kale waxa ay sheegtay in 550 qof in lagu waayay doon kale oo degtay maalintii khamiista.

Shilka seddexaad oo dhacay maalintii Jimcaha waxa laga soo badbaadiyay 135 qof halka meydadkooda la soo saaray 45 ruux.

Weli si rasmi hey’adda UNHCR uma aysan xaqiijin tirada dhimashada balse in ku dhaw 700 ayaa laga cabsi qabaa iney dhinten.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor