UNHCR oo ku baaqday in maalgelin loo helo Qaxootiga Soomaalida ee iskooda uga soo laabanayo Kenya

Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qxaootiga (UNHCR), Antonio Guterres ayaa Suxufiyiinta ugu sheegay magaalladda Nairobi in dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida ku xiran tahay in la xaqjiiyo ammaanka iyo xaalladda nololeed ee dalka Somalia.

“Beesha Caalamka waxay taageersan tahay in sida ugfu caqligalsan, uguna dhaqsaha badan dib Qaxootiga loogu celiyo dhulkooda hooyo, laakiin waxaa mudnaanta koowaad leh ammaankooda” ayuu yiri Antonio Guterres.

Waxa uu intaasi ku daray in ay horey u caddeeyeen in loo baahan yahay maalgelinta dhinacyadda Waxbarashadda, Caafimaadka iyo Ammaanka Cuntada, si loo hubaal geliyo inay Qaxootiga noloshooda soo hagaagto

Dhinaca kale, waxa uu tilmaamay in ay Deeq-bixiyayaasha Caalamiga dhawaan yeelan doonaan Shirweyne  looga xaajoonayo sidii loo maalgelin lahaa Qaxootiga Soomaalida ee iskooda u go’aansada inay idb ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

Hadalkiisa ayaa waxa uu ku soo beegmay, kadib, markii uu shalay kulan la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuri Kenyattaoo isaga ballan qaaday inaan xoog lagu soo celin doonin Qaxootiga Soomaalida ee ku sugan Xeradda Dhadhaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor