UNHCR oo koox Baarayaal u dirtay goobta ay ku degtay doonidii ay ku le’deen boqolaal Tahriibayaal u badnaa Somali.

Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR) ayaa la sheegay inay Koox u direen Badda Mediterranean Sea, gaar ahaan halka ay suurtogalka tahay ee la sheegay inay ku degtay dooni waday Boqolaal Tahriibayaal ah.

Haweeneyda Afhayeenka u ah UNHCR, Ariane Rummery ayaa hadalkaasi ka sheegtay Xarunta Dhexe ee UNHCR ku leedahay magaalladda Geneva ee dalka Switzerland, waxayna xustay inay Kooxdaasi soo baari doonaan Shilkaasi murugadda leh.

Goobjoogayaal iyo dad ka badbaaday doonida degtay ayaa sheegay inay doonida oo ay la socdeen ilaa 500 oo Tahriibayaal ah ay ku degtay Badda Mediterreanka, xilli ay ku sii jeedeen Xeebaha Talyaaniga.

Ma jiraan Dowlad ama Hay’ad ka tirsan QM oo awooday inay xaqiijiyaan tirada Tahriibayaasha ku haftay doonida ku degtay meel ka baxsan Xeebaha dalka Masar.

Dhinaca kale,  Afhayeenka Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM), Flavio Di Giacomo oo Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Rome  ayaa sheegay inaysan waxba xaqiijin Karin ilaa laga helo Markhaatiyayaal  ama wax kale oo ka yimaada Saraakiisha Dowladaha.

UNHCR

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor