UNHCR oo Dowladda Kenya ugu baaqay in la kordhiyo ammaanka Qaxootiga Soomaalida ku sugan Dhadhaab

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Madaxa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR, Antonio Guterres ayaa maanta kulan ku yeeshay Aqalka Dowladda “State House” ee magaalladda Nairobi.

Labada Mas’uul waxay si gaar ah uga wada hadleen Xaalladda Qaxootiga Soomaalida ku sugan Xeradda Dhadhaab, wuxuuna Antonio Guterres ka codsaday Dowladda Kenya inay kordhiyaan ammaanka Xeradda Dhadhaab iyo qorshaha dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida.

“Waxaan codsanayaa in tiro Ciiddanka Khaaska ee GSU loo daad-gureeyo Xeradda Dhadhaab, si loo xaqiijiyo ammaanka, loogana hortago Dembiilayaasha iyo Kooxaga Argagixisadda” ayuu yiri Guterres oo Dowladda Kenya kaga mahadceliyey albaabadda ay u fureen dadka ka soo cararay colaadaha.

Waxa uu intaasi ku daray inay UNHCR taageerayso dagaalka ay Dowladda Kenya kula jiraan Argagixisadda, isla markaana diyaar u yihiin xiriir dhow oo dhex mara labada dhinac.

Dhinaca kale, Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in cabsi dhinaca ammaanka darteed Qaxootiga dib loogu celinayo dalkooda hooyo.

“Waxaan doonaynaa inay Caalamka fahmaan inaan ammaanka dadkeenna iyo hantidooda laga dhigi karin muhiimadda ugu hooseysa” ayuu yiri Madaxweyne Uhuru oo intaasi ku daray inay Dowladda Kenya doonayso dadaal looga hortagayo dhibaatooyinka kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor