UNDP oo codsatay Malaayiin Dollar oo looga hortago Xag-jirnimadda Somalia iyo dalalka kale ee Afrika

Hay’adda QM ugu qaabilsan Horumarinta Barnaamijyadda ee UNDP ayaa codsatay in loogu yabooho lacag dhan 46 million oo Dollar oo loo adeegsanayo Barnaamij looga wacyi-gelinayo Dhallinyarradda Somalia iyo kuwa dalalka kale ee Afrika inaysan ku biirin Kooxaha loogu yeero Xag-jirayaasha ee ka hawlgala gudaha Qaaradda Afrika.

Hadal-qoraal oo ay Hay’adda UNDP soo saartay ayaa lagu muujiyey in Kharajkaasi loo adeegsanayo Mashruuc soconayo 4 sanno oo wax looga qabanayo arrimaha asaaska u ah inay Dhallinyaradda ku biiraan Kooxaha loogu yeero Xag-jirka, sida saboolnimadda iyo  shaqo la’aanta

Mashruucaasi Dhaqan-celinta iyo Shaqo-abuurista waxay Hay’adad UNDP kala shaqeyn doona Dowladaha,  Hoggaamiyayaasha Diinta, Ciiddanka Boliska iyo Dadweynaha ku nool dalalka ay Dhallinyarradda ugu badan ku biiraan Kooxaha  loogu yeero Xag-jirayaasha.

Dhinaca kale, Hay’adda UNDP waxay qoraalkeeda ku sheegtay inay Kooxaha loogu yeero Xag-jirayaasha  afartii sanno ee la so odhaafay qaadeen in ka badan 4,000 oo weerar oo ay ku dileen  ugu yaraan 21,000 oo qof oo ku nool dalalka Qaaradda Afrika.

© Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor