Ukraine oo dalbatay in la qabato Markab Ruush ah oo sida Qamadi laga xaday

Ukraine ayaa ka codsatay Turkiga in uu qabto oo uu xiro markabka Zhibek Zholy ee uu ka babanayo calanka Ruushka kaasi oo ah nooca xamuulka qaada, sidana shixnad qamadiga Ukraine ah oo laga soo qaaday dekedda Berdyansk ee uu Ruushku haysto, sida uu sheegay sarkaal u dhashay Ukraine ah uuna muujiyay dukumeenti ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sarkaalka oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine oo soo xiganayay xog ka timid maamulka badda ee dalkaasi ayaa sheegay in markabka Zhibek Zholy uu sido shixnaddii u horreysay ee qamadi ah oo dhan 4,500 oo tan oo laga raray dekedda Berdyansk, oo uu sarkaalku sheegay in ay leedahay Ukraine.

Warqad ku taariikhaysan 30-kii June oo ku socota wasaaradda caddaaladda ee Turkiga, ayuu xafiiska dacwad oogaha guud ee Ukraine ku sheegay in markabka Zhibek Zholy uu ku lug lee yahay “in si sharciga baalmarsan uu u dhoofiyo qamadiga Ukraine,” kaasi oo laga raray Berdyansk kuna wajahan dekedda Karasu ee Turkiga, waxaana uu xafiisku sheegay in markabku uu sido 7,000 oo tan oo xamuul ah, taasi oo ah mid ka badan tirada xamuulka uu sheegay sarkaalka ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda.

Xafiiska dacwad oogaha guud ee Ukraine ayaa ka codsaday Turkiga “in uu baaritaan ku sameeyo markabkan, ay qabtaan qeyb ka mid ah qamadiga uu sido si baaritaan loogu sameeyo, iyo in ay dalbadaan macluumaad ku saabsan halka laga keenay qamadigan,” iyadoo warqadda lagu sheegay in Ukraine ay diyaar u tahay in ay si wadajir ah mas’uuliyiinta Turkiga ugala shaqeyso baaritaanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor