UK oo ugu deeqday Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM Gaadiidka loogu talagalay Miinooyinka.

Xoghayaha Ciiddamadda Hubeysan ee dalka Britain, Mike Penning waxauu Dowladda Kenya ku wareejiyey 6 gaadiidka lagu qarixyo miinooyinkja iyo qalab kale oo Ciiddanka Kenya ka taageerayo sidii ay uga hor tegi lahaayeen qaraxyadda muddada ay ku guda-jiraan Hawlgalka AMISOM.

Xoghayaha waxa uu tilmaamay in qalabkaasi in Tababarkaasi gacan ka geysan doono sidii loo badbadain lahaa Nolosha Askarta AMISOM ee dagaalka kula jira Alshabaab, waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxa Ergadda UK u joogta Kenya, Nic Hailey ayaa isagana sheegay in Qalabka iyo Tababarka noqon doonaan kuwo looga hortago Khatarta ay Ciiddanka AMISOM kala kulmaan Dagaalkaasi.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media