UK oo carbinayso ku-dhawaad labo kun oo Askar Ugandhese ah oo loo soo dirayo Somalia.

 

Wargeyska The Telegraph ee ka soo baxa magaalladda London ayaa maanta qoray in Tababarayaal ka tirsan Milliteriga Britain ku sugan yihiin dalka Uganda, si ay u tababaraan Guuto cusub oo bilwoga sannadka soo socda loo soo diri doono Somalia, si ay ugu biiraan Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab.

BRITISH IN UGANDATababarayaasha oo tiradoodu dhan tahay 28-Askari ayaa waxay ka tirsan Guutadda 4-aad ee Qeybta Ciiddanka Britain waxayna  Ciiddanka Uganda ku tababarayaan Xeradda Singo Camp ee Koonfurta Uganda, wuxuuna Tababarkaasi socon doono muddo 2 toddobaad ah, waxayna baran doonaan sida loo difaaco Kolonyadda gaadiidka, loo kala furfuro Qaraxyadda iyo qaabka ugu wanaagsan ee loola xiriiri karo Mujtamaca Rayidka ah.

Ciiddanka Uganda ee ay Milliteriga Britain tababarayaan ayaa la filayaa inay qeyb ka noqdaan Hawlgalka AMISOM si ay u dhisanaa Awoodda Ciiddanka Uganda ee la doonayo inay gacan ka geystaan Nabadda Somalia ee Xilliga Fog.

Dhinaac kale, Waa Tababarkii Saddexaad ee ay Ciiddanka dalka Britain siiyaan Ciiddanka Uganda ee loo carbinayo Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee AMISOM.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor