UK: Nin Somali oo laga soo tuuray Bas uu la socday magaalladda Bristol.

Ibrahim Mohamed Ismail oo ah Somali-British ayaa sheegtay in laga soo tuuray Gaari Bas (National Express Coach) gudaha magaalladda Bristol.

Wargeysi Khaas ah oo uu siiyey Wargeyska The Bristol Post ayaa waxa uu sheegay inuu Khamiistii hore qorsheystay inuu Baska (National Express Coach) ku socdaalo si uu u gaaro London Victoria, balse nasiib-xumo laga dejiyey Baskii, isla markaana lagu khasbay inuu Tikidh cusub goosto.

Ibrahim oo 42-jir ayaa sheegay inay dadka baska la saarnaa u qoonsadeen sababo la xiriira caqiidadiisa iyo garkiisa weyn.

“Waxaan rumeysanahay waxaa la iiga codsaday inaan Baska ka dego sababteeda tahay sidaasi u labistay iyo runtii anigoo leh gar weyn Waxay iga codsadeen inaan ka dego sababo tahay waxaan ahay Muslim. Taasi miyey caddaalad-darro ahayn?” ayuu yiri Ibrahim Mohamed Ismail oo dalka Britain ku noolaa tan iyo sannadkii 2000.

Waxa uu intaasi ku daray inuu caraysan yahay, wuxuuna sheegay inuu Dareewalka keligiisa qoonsaday, iyadoo ay dad madow Baska la socdeen.

“Laakiin, sababto ayaa ah Anigoo ah Muslim madow ah, waxaana filayaa taasi ayaa dhibaatadda keentay” ayuu sii raaciyey.

Ibrahim Mohamed Ismail ayaa la sheegay inuu watay dhowr shandad oo mid ka mid ahuu ku jiray Daabacaadda Kombiyuutarka “A computer printer”, wuxuuna ka baqanayey inuu ka jabo Kombiyuutarka haddii la geliyo qeybta u gaarka xamuulka ee Baska.
Ibrahim Mohamed Ismail waxa uu haatan wax ka bartaa Jaamacad Furan “An Open University degree” iyo Asaaska Luqadda Shiinaha

Waxa uu Wareysigiisa ku sheegay inaysan ahayn markii ugu horreysay ee laga soo tuuro Basaska Shirkadda National Express coach.

Tikidhiisa Baska laga soo saaray oo qiimihiisu ahaa 25 Gini (£25) looma soo celinin, waxaana lagu khasbay inuu bixiyo 56 Gini (£56) oo ah Tikhidhka ku laabashadda Tareenka Bristol.

Ibrahim Mohamed Ismail 1
ibrahim mohamed ismail 3 IBRAHIM MOHAMED ISMAIL 00000K Ibrahim Mohamed Ismail 5 ibrahim mohamed ismail 000001 ibrahim mohamed ismail 000000 Ibrahim Mohamed Ismail  4 bristol bristol 2

© Radio Dalsan